| |
Best Academy East, waa iskuul cusub oo loogu talagalay ardayda ay waalidkood ka yimaadeen East Africa. Barnaamijka loogu talagalay iskuulkan waa Science, Technology Engineering, and Mathematics (STEM) iyo sidii looga dhisi lahaa ardayga luuqada. Iskuulkan waxa uu uga duwan yahay iskuulada kale waa waqtiga la dhigto maalintii oo dheer iyo sanadkii oo ay ardaydu fasax yihiin halbil iyo hal usbuuc oo kaliya. Waxa kale oo ardayda ay bartaan maalin walba luuqada Arabiga iyo maado seynis ah oo ku saabsan xirfad, xarun kombuyuutar oo cusub, iyo xirfado ku saabsan cayaaro (sports). Tirada ardayda waa 154 arday sanadkan. |
|
Fasal kasta waxa uu ka kooban yahay
ugu badnaan 15 arday, macalimiintu
waxay wax u baraan ardayda sida uu
arday walba u fahmi karo dersinka.
Iskuulka The Best Academy East, waxa
kale oo uu ku faraxsan yahay in uu
leeyahay barnaamij akhris ah oo lagu
soo dhiso ardayda heerka bilowga ah
(Kindergarteners) oo ay wax u akhriyaan ardayda faslada sare sida 5th iyo 6th maalinkasta, si ardayda waaweyn ay horsed ugu noqdaan kuwa yaryar |
|